Tuesday, April 2, 2019

Qaaradda Afrika

QAARADDA AFRIKA                                       
Afrika waa qaarada labaad ee ugu weyn qaaradaha aduunka kadib qaarada aasiya dhanka baaxada iyo dhanka dadkaba.
Afrika waxaa ka xiga dhanka waqooyi badda militerenianka, dhanka waqooyi barina waxaa ka xiga badda cas iyo kanaalka suways, halka jihooyinka bari iyo koofur bari ay ka xigto badwaynta hindiya, galbeedna waxaa ka xiga badwaynta atlaantikada. Qaaraddu waxay ka mid tahay kuwa ugu kulul caalamka. 
Badka qaaradu wuxuu gaaraa 30.2 milyan km2, tirade dadkeeduna wuxuu ku dhaw yahay 1.2 bilyan oo ruux , sida lagu ogaaday tirakood la sameeyay 2016, inta ugu badan dadkeeduna waa dhalinyaro.
Qaaradu waxay ka kooban tahay ilaa 54 dowladood oo dhammaan xubno ka ah ururka midowga afrika ee xaruntiisu tahay adis ababa. Inta ugu badana wadamadaas waxay ku dhaqmaan nidaamka jamhuuriyadda marka laga reebo dhawr wadan oo wili uu ku dambeeyo nidaamka boqortooyada sida: Marooko, Iswaasilaan iyo lesooto. 
waxaana loo kala qaybiyaa qaarada ilaa 5 gobol oo kala ah : Waqooyiga afrika, Bariga afrika, Bartamaha afrika, Koofur afrika, iyo Galbeedka afrika.
Magaalooyinka ugu dadka badan qaarada waxaa ka mid ah: Laagoos, Nayjeeriya. Qaahira , masar.  Kinshaasa, Koongo. Luwaanda , Angoola. Nayroobi, Kenya. Muqdisho, soomaaliya. Adis ababa, Itoobiya.  Daara salaam, Tansaaniya.
Waxaa ku yaal qaarada wabiga caalamka ugu dheer ee Niil iyo jasiirada afaraad ee ugu wayn aduunka ee madagaskar.
Dhanka dhaqaalaha inta ugu badan wadamada qaaradu waa kuwo aan horumarin oo fuqaro ah inkastoo ay leeyihiin khayraad dabiici ah iyo dhalinyaro badan oo shaqayn karta.
Qiyaaso lagu sameeyay tirada luuqadaha looga hadlo qaarada ayaa sheegaya in ay kun luuqad ka badan yihiin, qiyaas ay sameesay ha’adda ( UNESCO) ayaa waxaa ka soo baxday in afrika looga hadlo 2 kun oo luuqad. Islaamku waa diinta ugu badan ee ay haystaan dadka afrikaanka ah, waxaa kusoo xiga masiixiyada( kishtiyaanatiga), sidoo kale qaarada waxaa ku nool hunduus, buudhiis iyo yuhuud aan tira badnayn.


No comments:

Post a Comment