Tuesday, April 30, 2019
Friday, April 12, 2019
Thursday, April 11, 2019
Wednesday, April 10, 2019
Tuesday, April 2, 2019
Qaaradda Afrika
QAARADDA
AFRIKA
Afrika
waa qaarada labaad ee ugu weyn qaaradaha aduunka kadib qaarada aasiya dhanka
baaxada iyo dhanka dadkaba.
Afrika
waxaa ka xiga dhanka waqooyi badda militerenianka, dhanka waqooyi barina waxaa
ka xiga badda cas iyo kanaalka suways, halka jihooyinka bari iyo koofur bari ay
ka xigto badwaynta hindiya, galbeedna waxaa ka xiga badwaynta atlaantikada.
Qaaraddu waxay ka mid tahay kuwa ugu kulul caalamka.
Badka
qaaradu wuxuu gaaraa 30.2 milyan km2, tirade dadkeeduna wuxuu ku dhaw yahay 1.2
bilyan oo ruux , sida lagu ogaaday tirakood la sameeyay 2016, inta ugu badan
dadkeeduna waa dhalinyaro.
Qaaradu
waxay ka kooban tahay ilaa 54 dowladood oo dhammaan xubno ka ah ururka midowga
afrika ee xaruntiisu tahay adis ababa. Inta ugu badana wadamadaas waxay ku
dhaqmaan nidaamka jamhuuriyadda marka laga reebo dhawr wadan oo wili uu ku
dambeeyo nidaamka boqortooyada sida: Marooko, Iswaasilaan iyo lesooto.
waxaana
loo kala qaybiyaa qaarada ilaa 5 gobol oo kala ah : Waqooyiga afrika, Bariga
afrika, Bartamaha afrika, Koofur afrika, iyo Galbeedka afrika.
Magaalooyinka
ugu dadka badan qaarada waxaa ka mid ah: Laagoos, Nayjeeriya. Qaahira ,
masar. Kinshaasa, Koongo. Luwaanda , Angoola. Nayroobi, Kenya. Muqdisho,
soomaaliya. Adis ababa, Itoobiya. Daara salaam, Tansaaniya.
Waxaa
ku yaal qaarada wabiga caalamka ugu dheer ee Niil iyo jasiirada afaraad ee ugu
wayn aduunka ee madagaskar.
Dhanka
dhaqaalaha inta ugu badan wadamada qaaradu waa kuwo aan horumarin oo fuqaro ah
inkastoo ay leeyihiin khayraad dabiici ah iyo dhalinyaro badan oo shaqayn
karta.
Qiyaaso
lagu sameeyay tirada luuqadaha looga hadlo qaarada ayaa sheegaya in ay kun
luuqad ka badan yihiin, qiyaas ay sameesay ha’adda ( UNESCO) ayaa waxaa ka soo
baxday in afrika looga hadlo 2 kun oo luuqad. Islaamku waa diinta ugu badan ee
ay haystaan dadka afrikaanka ah, waxaa kusoo xiga masiixiyada(
kishtiyaanatiga), sidoo kale qaarada waxaa ku nool hunduus, buudhiis iyo yuhuud
aan tira badnayn.
Subscribe to:
Posts (Atom)